Reysulwasaare Xamsa oo shacabka jubaland ugu baaqay iney la dagaalamaan alshabab

0
102

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ku booriyay shacabka Jubbaland in ay hubka qaataan si loo xoreeyo deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo si qiiro leh uga hadlay magaalada Kismaayo, ayaa shacabka isugu yeeray inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in hal meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa daboolka ka qaaday in dowladdu ay ciidamo dheeraad ah geyn doonto deegaanada uu ka arimiyo maamul goboleedka Jubbaland.

Tallaabadan istaraatiijiga ah, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in looga golleeyahay in lagu tayeeyo ciidamada hadda jira iyo in sare loo qaado ammaanka magaalooyinka Jubbaland.

Raysal wasaare Xamse, ayaa ugu baaqay shacabka in ay garab istaagaan ciidamada ku howlan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in la iska kaashado sidii looga ciribtiri lahaa deegaanada Jubbaland.