Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacaaabay safiirka Soomaaliya ee Kenya.
Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tagi doona Nairobi, xilli Kenya ay sidoo kale bedeshay danjiraheedii u fadhiyay Muqdisho.
Ambassador Jabriil, ayaa kasoo shaqeeyay Kenya tobankii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu bedelayaa danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, Duqii hore ee Muqdisho.
Dowladda Kenya ayaa dhawaan sagootisay danjire Tarsan, oo soo gabagabeeyay waajibaadkiisii safiirnimo ee dalka Kenya.
