Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta kulan kula qaatey magalada baydhaba xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda maamulkaas uu ugu yeeray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa inuu kala tashado xaaladda cakiran ee maamulkaas oo ay isugu darsoomeen xaalado siyaasadeed, kuwa bani’aadanimo iyo dagaalka Al-Shabaab.
Qoraal kooban oo ay shaaciysay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Lafta Gareen uu xildhibaanada kala hadlay saddex arrimood oo kala ah, fatahaadaha ku dhuftay maamulkaasi, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab.
Xaaladda maamulkan ayaa bilihii u dambeeyay ahayd mid kacsan, waxaana si aad ah la’isugu hayaa arrinta doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.


