Beesha caalamka oo fariin u dirtey madaxweynaha maamulka puntland iyo mucaaradka

0
315

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay halista ka dhalan karta xiisadaha colaadeed iyo abaabulka ciidan ee ka socda magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

War-saxafadeed kasoo baxay beesha caalamka, ayaa lagu sheegay in joogitaanka ciidamada ee magaalada gudaheeda ay cabsi gelinayso dadka shacabka ah, waxaana taasi ay keentay in iskuulada la xiro oo dadku ay sameeyaan barakac.

Saaxiibada caalamku waxay sheegeen inay si dhow ula socdaan xaaladda, waxayna ku baaqeen in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, islamarkaas na ay wadahadallo degdeg ah yeeshaan dhinacyada isku haya siyaasada.

Warka kasoo baxay beesha caalamka ayaa yimid, iyadoo lagu waday in wakiillada socda beesha caalamka ay yimaadaan magaalada Garowe, si ay wada hadalo ula galaan mucaaradka iyo madaxweyne Deni.