Madaxweynaha dowlada federaalka oo ka warbixiyey ku biirista somaliya ay ku biirtey dalada bulshada bariga dhexe

0
127

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay muhiimada Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada daladda bulshada Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu horeyn ugu hambaleeyay shacabka Soomaaliyeed ku biirista daladan ayaa sheegay in fursad ahaan wax badan soo kordhineyso ku biirista daladan, isagoo xusay in dalka uu dhex ceegaago kheyraad baaxad leh oo ku jira Badda iyo Biriga.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay madaxweynaha in dadka Soomaaliyeed ay u diyaar garoobaan la macaamilka bulsho gaareysa 300 oo Milyan oo kasoo jeeda dalalka ku mideysan daladda bulshada Bariga Afrika oo tiradoodu haatan noqotay sideed dal, kadib ku biirista Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay ku biiri doonto Suuqyo kale oo muhiim, isagoona ugu dambeyn kula dardaaray dadka Soomaaliyeed iney la tartamaan dhigooda shucuubta ku nool gobolka.