Alshabab iyo Atmis oo ku dagaalamay magalada buula mareer

0
357

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xalay ka dhacay gudaha degmada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhaxeyay ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda iyo kuwa Kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadb markii xubno ka mid ah kooxda Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhiga ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buula mareer.

Waxaa lasoo warinaya dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan inuu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, hayeeshee aanan la ogeyn inta uu dhan yahay.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Buula mareer ayaa sheegaya in saakay ciidanka dowladda howlgalo lagu xaqiijinayo amniga iney ka wadaan xaafadaha magaalada Buulo mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.