Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.
Socdaalkan ayaa sidoo kale waxaa Lafta-gareen iyo Wasiir Jaamac ku wehliyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed iyo masuuliyiin kale, ayada oo halkaasi maanta si weyn loogu soo dhaweeyey.
Ujeedka ay madaxdu halkaas u gaarayn ayaa lagu sheegay in ay tahay soo xirista shir dib-u-heshiisiin ah oo muddooyinkii dambe ka socday magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.
Sidoo kale, waxaa qorshaha socdaalka madaxdaan qeyb ka ah sidii bulshada Diinsoor degta ay ugu sheegi lahaayeen inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada howl-galka dalka looga xoraynayo kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada Koofur Galbeed.
Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhawaan si rasmi uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, sida uu kal hore ku dhowaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
