Mucaaradka puntland oo saxaafada kula hadley magalada garowe

0
293

Mucaaradka Puntland oo saxaafadda kula hadley magaalada Garowe, ayaa wada hadalkii madaxweyne Deni ee arrimaha doorashooyinka, ku tilmaamay mid jees jees ah

Mucaaradka ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn wadahadal aan ahayn doorasho xilligeedii ku dhacda, iyo sidoo kale gacan saddexaad oo dhex dhexaadisa oo lagu kalsoon yahay.

Mucaaardku waxay sheegeen madaxweyne Deni inuu magaalada Garowe kusoo gurayo gaadiid dagaal iyo ciidamo katirsan kuwa PMPF, kuwaas oo ay sheegeen inuu doonayo inuu colaad uga abaabulo magaalada Garowe.

Dhinaca kale, mucaaradku waxay iska fogeeyeen warar sheegaya inay baarlamaanka weerarayaan haddii ay isku dayaan inay meel mariyaan xeerarka wax ka bedelka doorashooyinka.