Waxa sii kordhaya tirada dadka ku geeriyooday fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka geystay xaadafaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ilaa 8 qof ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen fatahaadda wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay warbaahinta u sheegen maamulka degmada Baledweyne.
Maaamulka degmada Baledweyne ayaa sidoo kale sheegay in fatahaadu ay sababtay khasaare hantiyadeed oo baaxad leh iyo barakacii ugu xoogana dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.
Duqa degmada Baledweyne Nadar Tabaax ayaa sheegtay in hay’addaha samafalka ay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaaladaha ka dhashay fatahaada ee lasoo daristay dadkii ku noolaa xaafadaha Baledweyne oo intooda badan u barakacay Ceel jaalle.
