Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadley dhibaatooyinka ka jira magalada gaza

0
246

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo wareysi siiyay warbaahinta Arab News, ayaa sheegay, in rabshadaha u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu xalin karo heshiis siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu wareysiga uu bixiyay ku sheegay inuu jiro xal caalami ah oo la aqbalay, kaasoo ah Laba dawladood oo ah Falastiin iyo Israa’iil, oo ku wada nool nabad .

Maaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dhici kato taasi. Wuxuuse su’aal galiyay sababta adduunku uga shaqayn waayay, si xalkaas loo hirgaliyo.

In ka badan hal bil, Marinka Gaza waxaa ku socday duqeymo xooggan oo Israel ay kaga aargoosaneysay weerarkii aan hore loo arag ee 7-dii Octobar ee Xamaas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil, kaasoo lagu dilay 1,400 oo qof, oo u badnaa rayid, 240 kalena lagu qafaashay.