Wabiga Shabeelle ayaa saadacahii lasoo dhaafay ku fatahay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Wabiga ayaa ku fatahay deegaanada iyo degmooyinka kala ah Afgooye, Awdheegle, Jannaale, Buula mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, waxaana halkaasi isaga barakacay boqolaal qoys oo u badan beeraleey.
Sawiro halkaas laga soo qaaday fatahaada uu ku dhuftay wabiga Shabeelle deegaanadan ka tirsan Shabeellaha hoose ayaa muujinaayay baaxada biyaha iyo saameyntooda.
Fatahaada deegaanadaan uu ka sameeyay wabiga ayaa loo sababeynaya kannaalada biyaha Webiga u gudbiya beeraha oo sahlay iney biyaha wabiga kuso baxaan.
