Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed oo ka hadley dhibaatooyinkii ay geysteen roobabka iyo fatahaada

0
347

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo shaley warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhaba ayaa shaaciyey tirada dad ku dhintay daadadkii ka dhashay roobka deyrta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 12 qof ay ku dhinteen daadadkii ku dhuftay magaalada Baydhaba, isagoo ka sheekeeyey dhacdooyinka qaar sida ay u dhaceen.

Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen wuxuu sheegay in hanti badan, guryo iyo gaadiid ay burburiyeen daadadka, “dad badan oo tabar yar ayaa ka cararay guryahooda, 50% magaalada waa laga barakacay,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shaley gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa ay kula kulmeen.

Ujeedka wafdiga uu horkcayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa daarna sidii uu ugu kuur-gali lahaa xaaladda dadka ay saameyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta (El-Niño).

Saalax oo ay weheliyaan masuuliyiinta hay’adda SODMA, xubno kamid ah hey’adaha samafalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa isla markii ay gaareen Baydhabo booqday oo indhaha soo saaray xaaladda ka taagan xeryaha qaxootiga iyo dadka nugul oo ay waxyeello iyo barakac kale kasoo gaartay roobabka.