Wafdigaan uu hoggaaminaayo madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa qeyb ka ah masuuliyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka oo ay ka mid yihiin wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa si weyn waxaa halkaasi ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
Amaanka guud ee degmada Aadan Yabaal ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana wadooyinka degmadaasi la dhoobay ciidamo aad u farabadan si ay u xaqiijiyaan amaanka degmada inta uu madaxweynaha ku sugan yahay.
