Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay jeediyay khudbad ku aadan dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in laga faa’iideysto barakada iyo khayrka bisha Ramadaan, ayada oo Alle SWT loo dhowaanayo.
Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in la’isku gurmado, si loo caawiyo dadka danta yar ee ku nool gudaha waddanka, isla-markaana aan heysan afurka.
Waxa kale oo uu ku baaqay in sidoo kale la’is cafiyo, maadaama la guda galay bishii barakeysan ee Ramadaan.
Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maamuud ayaa soo jeediyay in laga wada shaqeeyo maslaxadda, nabada iyo isku soo dhoweynta dadka Soomaaliyeed ee wax kala tirsanaya.
