Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday 10 nin oo ku eedeysnaa inay katirsan yihiin kooxda Alshabaab.
Eedeysanayaasha dilka lagu xukumay waxaa kamid ah, Cadde Cabdulahi Maxamed Cilmi iyo Cabdiqani Saleemaan Jaamac Sayloor, oo ahaa raggii Gaalkacyo ku dilay weriye Jamaal Faarax Aadan .
Labadan nin ayaa mar kale lagu riday xukun dil ah kadib markii ay racfaan ka qaateen xukun dilka ahaa ee horey loogu diray.
Dadka ay Puntland xukunka ku riday ayaa lagu helay inay ahaayeen Shabaabkii dilal ka geystay magaalada Gaalkacyo.
Halkaan ka akhriso magacyada dadka la xukumay.
1- Xasan Jaamac Maxamed
2- Maxamed Cali Axmad Muuse
3- Farxaan Faysal Salaad Xirsi
4- Cabdulahi Faysal Xuseen
5- Barkhad Cawil Xirsi Nuur
6- Liibaan Aaden Muuse
7- Cabdiqani Farxaan Abdulahi
8- Cabdiraxman Cawil Maxamed
