Wasiirka gaashaandhiga oo sheegey in wejigii koowaad ee la dagaalanka alshabab lagu diley in ka badan 3000 oo shabaab ah

0
470

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in wajiga koowaad ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka in lagu dilay 3,000 oo ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in howlgaladaasi lagu dhaawacay 3,700 oo ka mid ah dagaalyahanada Ururka al-shabaab ee ku sugnaa deegaanada maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug oo ah meelaha howlgalada ka dhanka Shabaab xoogooda ay ka socdaan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in howlgaladaan muhiimada laga lahaa ay ka mid aheyd in la isku furo isku socodka deegaanada iyo degmooyinka ay kala gooyeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana taasi lagu guuleystay oo ay haatan furan tahay wadada isku xirta Muqdisho iyo Gaalkacyo oo 575 kiilo mitir ah oo hada sida caadi loogu safri karo.

Howlgaladaan ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda, kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano macawisleyda ayaa inta badan kooxda Al-shabaab waxaa looga saaray deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo ay kooxdu ka talin jirtay 10-kii sano ee lasoo dhaafay.