Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa difaacay heshiisyada dowladda Kula jirto maraakiibta shisheeye ee ka kalluumaysanaya badda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in soddonkii sano ee ugu dambeeyay badda Soomaaliya looga kalluumaysanayay sifoyaal sharci darro ah, isagoo sheegay in dowladda ku khasban tahay inay sharciyad iyo heshiisyo ku bixiso kalluunka ku jira badda Soomaaliya, si ay dakhli uga hesho.
Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay badda inaan loo haynin dhaqaale lagu ilaaliyo, sidaas daraadeed wuxuu sheegay in lagu khasban yahay in dowladdu heshiis dheer shirkadaha kula gasho si ay sifo sharci ah ugaga kalluumaystaan badda.
Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aaday iyadoo dhawaan dowladdu meel marisay sharci kalluumaysi oo dhiirri galinaya maalgashiga badda, inkastoo maamulka Puntland uu ka horyimid.
