Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee kala ah:
1- Sharciga La-dagaallanka Argagixisada
2- Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,
3- Sharciga Socdaalka,
4- Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha
5- Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,
6- Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,
7- Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
8- Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.
