Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dad badan ay ku dhinteen daadad ka dhashay roobab xoogan oo ka da’ay degmada Baardheere.
Dadka daadadka ku dhintay ayaa la sheegay iney gaarayaan 9 ruux, kuwaas oo ku naf waayay daad kasoo rogmaday tog ku yaala degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Daadkaan soo rogmaday ayaa ka dhashay roobab lixaad leh oo saacadahii lasoo dhaafay si weyn uga da’ay degmada baardheere ee gobolka Gedo iyo nawaxigeeda.
Warar madax banaan ayaa sidoo kale sheegaya in dad ka badan 10 ruux lagu la’yahay nolol iyo geeri, kuwaas oo loo maleynayo iney ku dhinteen daadka kusoo rogmaday degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
