Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in waaberigii hore ee saaka ay weerar qarax ku qaadeen saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ku leeyihiin degaanka Daaru-nicmo oo hoostaga degmada Runil-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegeey in werarka kadib uu dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, kaas oo weli ka socda degaanka.
Weerarkan ayaa la sheegay iney jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah balse lama xaqiijin karo inta ay la eg tahay.
