Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay Tuulada Ceelgorof oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga deegaanka Waxbo ee gobolka Galgaduud ku dhexmaray ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo la tilmaamay iney qorsheeyeen in weerar ku qaadaan deegaanka Goobo oo ka tirsan degmada Maxaas, hayeeshee ay ciidamada dib u xureynta deegaanka oo ka war helay qorshahaasi u dib mareen Al-shabaab Saldhigoodii Tuulada Ceelgorof.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa waxay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo aysan ogeyn khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay
Ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa Xalay adeegsaday farsamo ku cusub xeeladaha dagaalka oo aan horay uga dhicin dagaalada ka dhaca gudaha dalka.
