Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banadir Maxamed Axmed Diiriye oo ka qeyb-galay kulan amniga looga hadlayay oo ka qabsoomay degmada Hodan ayaa ka hadlay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga caasimada.
Qorshahan cusub ayaa waxa uu sare u qaadaya wada-shaqeynta shacabka, taliyayaasha saldhigyada iyo maamulka gobolka, ayada oo guddiyo waaxeedyo loo sameeyay xaafadaha kala duwan, si ay si dhow iskaga warhayaan maamulka gobolka iyo bulshada ku nool magaalada Muqdisho.
Taliyaha qeybta Waliyow Cadde ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo isaguna ka hadlay kulankaan ayaa bogaadiyay qorshaha cusub ee sare loogu qaadayo amniga caasimada, isaga oo tilmaamay in wax badan iska badalayaan wada-shaqeynta maamulka iyo talisyada saldhigyada oo markii hore uu madmadow ka dhex jiray.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahne Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhawaan sheegay in aysan cabsi gelin doonin weerarada Al-Shabaab, ayna sameyn doonaan waxkasta oo looga hortagayo abaabulka kooxda.
