Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne William Ruto iyo wafdigiisa oo booqashadii ugu horreysay ku yimid dalka, tan iyo markii la doortay.
Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
