Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Jabuuti, Xasan Maxamed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kasoo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wasiirka Gaashaandhigga dowlada federaalka oomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa wafdigan ku soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.
Wasiir Xasan Maxamed Cumar ayaa booqashadiisa waxa ay la xiriirtaa ka qayb-galka shirweyne ka dhacaya caasimada, kaas oo ay ka qayb-galayaan waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, waxaana looga hadlayaa amniga iyo dagaalka Shabaab.
Sidoo kale wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxda ugu sarreysa ee dalka, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo uu kala hadli doono dagaalka Al-Shabaab.
