Gudoomiyaha baarlamanka oo soo gabagabeeyey wejigii koowaad ee shirka dib u heshiisiinta siyaasiyiinta koonfur galbeed

0
392

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta soo xiray wajiga koowaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta siyaasiyiinta KGS oo ay ka qeyb galeen Golaha Odoyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Guddiga Farsamada Shirka Dib u Heshiiniinta KGS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunaanadka wajiga koowaad ee shirka soo xiray ayaa Guddiga Farsamada Shirka iyo Guddiga ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka waxa ay la wadaageen warbixin ku aaddan qiimeyn ay ka sameeyeen dhacdooyinkii dhacay.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa guddiga odayaasha dhaqanka ku wareejiyay lacag loogu tala galay ehelada dadkii ku dhintey, daaweynta dadkii ku waxyeeloobay, laguna dayactiro guryihii ku burburay Dhacdadii 23-kii December 2022, isagoona xusay wixii culeys ah ee ka yimaada la xalin doono.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa gabagabada shirka, waxaa uu ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo diirada lagu saari doono xasiloonida siyaasada iyo la dagaallanka Al-Shabaab.