Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka, ahna haatan xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta hadal buuq badan dhaliyay ka dhex sheegay kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo la xiriira arrinta madax bannaanida ee Somaliland.
Mahdi Guuleed oo ka hadlay dooda ku aadan hindise sharciyeedka hay’adda NISA ayaa soo hadal qaaday sida uu sharcigaan uga hir-geli karo dalka, uuna la jaan qaadi karo waddamada dariska ah, isaga oo dalalkaas ka tilmaamay Somaliland oo uu ku sheegay inay tahay dal daris la ah Soomaaliya.
Intaas kuma ekaan, wuxuuna Mahdi Guuleed u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax bannaan, isaga oo sheegay inay ku jirto wadamada dariska la ah Soomaaliya.
Intaas kadib xildhibaanada ayaa sameeyey fal-celin, waxaana hadalka Mahdi Guuleed ka dhashay buuq ay sameeyeen xubnaha Golaha, waxaana kadib soo farageliyay guddoonka.
Si kastaba arintu ha ahaatee, Mahdi Guuleed ma’aha mudanihii ugu horreeyay ee Baarlamaanka ka sheega hadalkan, waxaana uga horreysay Xildhibaan Gobsan oo iyadana ka soo jeeda Somaliland, taas oo shaacisay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo ay tahay in lagu ixtiraamo.
