Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) ayaa kulan doceed kula yeeshey magalada Muqdisho dhigiisa Dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Maxamed.
Kulanka ayaa inta uu socday labada dhinac waxay si weyn ugu gorfeeyeen dagaalka looga saarayo Ururrada Al-Shabaab iyo Daacish, sida lagu sheegay War kasoo baxay dowladda.
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir ayaa marka hore dhigiisa Jabuuti Iyo waftiga la socda uga mahad-celiyay hiilka walaalnimo ee ay mar kasta dadka Soomaaliyeed iyo dalka la garab taagan yihiin, wuxuuna sheegay Wasiir Cabdiqaadir inay walaalaha Jabuuti ka go’an tahay in Soomaaliya laga sifeeyo cadowga shacabka kusoo duulay.
Wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Maxamed ayaa dhankiisa cadeeyay in Jabuuti ay ka go’an tahay ku garab-siinta dowladda Soomaaliya sidii waddanka looga wada xoreyn lahaa kooxaha cadowga ah, isagoona hoos ka xariiqay Ciidanka Jabuuti ee HIIL WALAAL ay habeen iyo maalin dhiigooda u hurayaan sidii shacabka Soomaaliyeed cadowga looga kor qaadi lahaa.
