Taliyaha ciiddanka xoogga dalka Soomaaliya, Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in aysan Alshabaab uga daba haridoonin meel kasta oo ay ku dhuuntaan.
Taliyaha ciidanka militariga oo la hadlayay boqolaal katirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa sheegay, Shabaabka inay u furan tahay inay isisoo dhiibaan, haddii ay doonayaan inay helaan badbaado.
Gen. Odowaa ayaa tilmaamay inay ogyihiin in dhaawacyada iyo maydadka Alshabab ay daadsan yihiin keymaha ay ku dhuumayeen, isagooo sheegay inay ugu tagayaan oo ay ku laynayaan inta ka hartay haddii aysan ka faaidaysan cafiska dowladdu siinayso.
Gen. Odowaa waxaa kale oo uu sheegay, dagaalka ay kula jiraan Alshabaab in aan laga noqon karin dhexdhexaad.
Wuxuu caddeeyay ciddii aan lasoo safan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka inay dhinaca kale lasoo saftaan, iskuna diyaariyaan inaan la cafindoonin.
