Alshabab oo lagala wareegey gacan ku heynta deegaanka masagaway

0
725

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa Maanta howlgal kula wareegay degaanka Masagaway oo katirsan Gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo sanado ah ay maamulayeen Ururka Al-Shabaab.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada huwanta ah waxaa ay howlgallo ka wadeen xadka gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, hayeeshee ugu dambeyn ay Maanta Ciidamada gudaha u galeen degaanka Masagawaay ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Ururka 2aad ee qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada ay hadda howlgallo ka wadaan gudaha iyo daafaha degaanka Masagawaay.

Wuxuu sheegay in qaar kamid ah Shacabka degaanka Masagawaay ay degaanka isaga barakaceen, iyaga oo cabsi qabay in dushooda lagu dagaalamo.