Raysal wasaaraha xukuumada federalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay inay laga maarmaan tahay in dib u habayn ballaaran lagu sameeyo shaqaalaha dowladda.
Raysal wasaare Xamse ayaa caddeeyay in agaasimayaasha guud ay qaadanayaan masuuliyadda shaqaalahooda, wuxuuna hoosta ka xarriiqay dhawaan inay billaabanayso qiimayn guud oo lagu sameynayo shaqaalaha rayidka ah.
Raysal wasaare Xamse wuxuu sheegay in agaasimayaaasha laga doonayo inay shaqaalahooda si daacad ah ugu hoggaamiyaan shaqada, si meesha looga saaro habacsanaanta weyn ee ka dhex jirta shaqaalaha dowladda.
Hadalka raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aaday, maalmo kadib markii la ogaaday in 80% shaqaalaha rayid ah ee dowladda aanay shaqada soo xaadirin.
