Dani oo si adag uga hadley xaalada magalada laascaanood

0
309

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa war Qoraal ah kasoo saaray xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan dadkii wax ku noqday dhacdooyinkii bahalnimada ahaa ee maamulka Somaliland ka gaystay magaalada Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay.

Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u naxariistoo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna u boogo dhayo

Dadkaas shacabka ah ee aan u hubaysnayn ee la laayey waxay usoo bexeen keliya in ay ka dhiidhiyaan ugaadhsiga lagu hayo dadkii berimagaydada ahaa ee muddooyinkii u dambeeyay lagu ugaadhsanayay magaalada Laascaanood.

Waxaan bogaadinayaa shacabka dareenkooda cabiray ee ka dhiidhiyey dhibka iyo tacadiga muddoba lagu hayay. Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Laascaanood in aanu marwalba barbar taaganahay, lana qaybsanayno dhibka, ogsoonahayna waajibaadka dastuuriga ah ee naga saaran badbaadadooda iyo diifaacidooda.

Dadka la shaqaysta Somaliland ee diiday awaamiirtii guracnaa ee la siiyey iyagoo u tudhaya tixgelinayana dareenka shacabkooda, waa ku mahadsanyihiin. Waxaase kasii wanaagsanaan lahayd amar diidadaa inay ka dhiciyaan kuwa gabood falada u geysanaya dadkooda. Inkastoo aynu kala mabda,a duwanaan karno, hadana waxa inaga dhexeeya dalka iyo dadka. Waxaa waajib inagu ah inaynu sugno xuquudooda, sharaftooda iyo madax banaanidooda.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka reer Puntland in ay isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan midnimadooda. Waxaan u sheegaynaa ummada Soomaaliyeed in markasta aan u taaganahay midinimada iyo dowladnimada ummada Soomaaliyeed, laakiin taaas macneheedu aanu ahayn in dowlada Puntland ay ka tanaasushay ama aanay dareensanayn waajibaadka saaran difaaca shacabkeeda iyo ilaalinta jiritaankeeda.

Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan ficilada guracan ee loo samaynayo in lagu cabudhiyo ama lagu xukumo dad usoo halgamay welina u dhimanaya jiritaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed.