Wafdi uu hoggaamimayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goordhow soo gaaray Caasimadda Soomaaliya ee magaalada muqdisho.
Madaxweynaha Jabuuti iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo kuxigeenkiisa, qaar kamid ah madaxda maamul Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada.
Ujeedka Safarka Madaxweynaha Jabuuti u kuyimid Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in uu xariga kajiro doonaan isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhismaha Xarunta Akeedemiyad Goboleedka Afka Somaaliga oo dhismaheeda ay iska kaashadeen Soomaaliya iyo Jabuuti.
