Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto howl-galka sharci darrada ah ee la doonayo in Shidaalka looga baaro Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee loo yaqaano Somaliland, taas oo ay fulineyso shirkad lagu magacaabo Genel Energy PLC oo sheegtay in ay fasax u heysato baarista iyo ka faa’ideysiga kheyraadka batroolka ee Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si cad u diidday sheegashada Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay sharci ay batroolka ama shidalka uga baarto gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqday shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso sheegashada sharci darrada ah ee ay ku leedahay xuquuqdeeda batroolka iyo inay fuliso hawlgal shidaal oo xadgudub ku ah madax bannaanida, dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya. .
Sidoo kale Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku wargelisay Maal-gashadayaasha Shisheeye in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ay tahay hay’adda kaliya ee sharci ahaan u fasaxaysa sharciga iyo qawaaniinta u degsan Soomaaliya in ay bixiso oggolaanshaha baarista iyo horumarinta kheyraadka Shidaalka sida uu dhigayo Sharciga Shidaalka Soomaaliya. Ogolaansho kasta oo la bixiyo oo ka hor imaanaysa shuruucda iyo qawaaniinta Soomaaliya waa sharci darro waxaana loo aqoonsanayaa mid aan waxba ka jirin.

