Gudoomiyaha baarlamaanka oo kulan la qaatey golaha musharixiinta koonfur galbeed

0
596

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay Midowga Musharraxiinta Maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed.

Musharraxiinta Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed si loo helo midnimo isla-markaana la iska kaa shado sidii loo sii amba qaadi lahaa dib u xorreynta degaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay dadaalada lagu doonaayo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu ku baaqay isagoo sheegay in muhiim ay tahay midnimada iyo jiritaanka reer Koonfur Galbeed lana xoojiyo kacdoonka dadweynaha ee dalka looga xorreeynaayo Al-Shabaab.