Xildhibanada taageersan cabdicasiis lafta gareen oo warbaahinta magalada baydhaba la hadley

0
538

Qaar katirsan xildhibaannada barlamaanka Koonfur Galbeed oo si weyn gacan saar ula leh hogaamiyaha waqtigiisa dhamaaday cabdicasiis lafta gareen ayaa dowladda federalka ku eedeeyay qalalaasihii magaalada Baydhabo ka dhacay, iyo inay dowladdu fara galin ku hayso arrimaha siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Xildhibaannadu waxay sheegeen in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya loo adeegsanayo in qalalaase looga kiciyo Koonfur Galbeed.

Waxay dowladda federalka ugu baaqeen inay faraha kala baxdo arrimaha siyaasada, islamarkaana ciidamada kasoo baxay furimahooda dagaalka dib loogu celiyo.

Dhinaca kale, Xildhibaannada ayaa sheegay in barlamaanka Koonfur Galbeed uusan sameyn muddo kordhin, balse ay sameeyeen iswaafajinta muddo xileedka madaxtooyada iyo barlamaanka.

Hadalka kasoo yeerey xildhibaanadan ayaad moodaa in uu yahay hadal xaqiiqada ka fog oo u janjeera taageerida hogaamiyaha waqtigiisa dhamaadey cabdicasiis lafta gareen