Xaalada magalada baydhaba oo weli alowsahal ah

0
438

Xubnaha mucaaradka ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada magaalooyinka Muqdisho iyo Baydaba, ayaga oo kasoo horjeedo hogaamiyaha waqtigiisa dhamaadey Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen).

Xildhibaan hore Xasan Black oo ka mid ahaa xubnaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, isla-markaana hadda ah garabka mucaaradka ee maamulkaas ayaa u warramay mid ka mid ah warbaahinta magalada muqdisho, isaga oo ku sugan gudaha magaalada Baydhabo, wuxuuna ka hadlay xaaladda guud.

Xasan Black ayaa sheegay in dhibaatooyinkii dhowaan ka dhacay magaalada Baydhaba ay mas’uuliyaddooda qaadi doonaan madaxda Koonfur Galbeed, gaar ahaan Lafta-Gareen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka mucaarad ahaan uu go’aankooda yahay in la qabto doorashada, isla-markaana meesha laga saaro qorshaha muddo kororsiga.

Koonfur Galbeed ayaa 4 sano kasta xiligan oo kale wajahda xaalada cakiran taasoo marka dambe isku bedashay gacan ka hadal, aafar sano ka hor kolkii cabdicasiis xamar laga soo magacaabey dad ayaa ku dhintey halka qaar ka tirsanaa musharixiintii xiligaasne xabsiga la dhigey.