Dhaqdhaqaayo milateri oo lagula dagaalamayo alshabab oo ka bilowdey gobolada dhexe

0
447

Dhaqdhaqaaq iyo diyaargarow ciidan ayaa laga soo sheegaya xeryaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa looga gol leeyahay in ciidamadu ay qaadaan guluf maleeshiyada Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay ka arrimiyaan Gobolada Dhexe.

Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) ayaa sheegay inuu dhammaaday waqtigii ay dadku ku fekerayeen in wada hadal lagu dayo maleeshiyadaasi.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in heer geba-gabo uu marayo diyaargarowga ka jira deegaanada Galmudug.

General Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Axaddii sheegay in Shabaabku aanay xilligan joogin meel looga haro, lana sii wadi doono hawlgalada uu sheegay in lagu ciribtirayo.