Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab kusii fidinaya gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii kooxda laga qabsaday dhammaan degmooyinka gobolka deriska la ah ee Shabeellaha Dhexe.
Ciidanka ayaa maanta fuliyey howlgallo qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka gaarka ah ee NISA iyo booliska Haramcad, kaas oo lagu sifaynayay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho ilaa Marka.
Sida lagu sheegay qoraalka ay baahisay warbaahinta dowladda, howlgallada ayey ciidamadu ku burburiyeen xarumo qarsoodi ahaa oo khawaarijtu ay ku lahaayeen deegaannada Ceel-maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo deegaano hoos taga Number 60, kuwaasi oo u ahaa maxkamad beenaadyo iyo xarumo ay dadka ku baadaan marka ay ugu yeertaan.
