Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada howlgalka ATMIS iyo Al-Shabaab, kaas oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Uganda ay ku leeyihiin agagaarka Buunda weyn ee degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare, walow aan la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.
Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Afgooye oo ku aadan weerarkaasi.
