Kulanka golaha wadatashiga oo maanta ka furmey magalada muqdisho

0
427

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada xubnaha ka ah oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa kulanka waxaa ay aga hadli doonaan federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Maamul-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhameystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Bishii Sebteembar.

Sidoo kale, Madaxda heer Federaal iyo heer Maamul-goboleed waxay iska xog-wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey u heysteen.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dowlada federaalka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, iyo Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada.