Wasiirkii warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa habeenkii xaley xilka iska casilay, isagoo xil ka tegistaan u sababeeyay weerarkii ay shalay ciidamada ka amar qaata Madaxweyne Laftagareen ku qaadeen guriga musharax Maxamed Aadan Fargeeti.
Wasiir Ilyaas ayaa sheegay inuu aad uga carooday markii la laayey dadkii uu ku metalay dowladnimada K/Galbeed, isagoo sheegay in wax aad looga xumaado uu dadkiisa kula kacay Laftagareen.
Wasiir Ilyaas ayaa sheegay in xukunka uu u joogay in dadkiisana uu ku metelo, dowladnimadana uu wax ka dhiso, balse balan ka baxyo uu ku sameeyey hoggaanka maamulkaas.
Wasiirka ayaa ciidanka Itoobiya ka codsaday inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed oo mar dambe aan loo adeegsan siyaasadaha is diidan, si shacabka iyo siyaasyiinta reer K/Galbeed ay u soo doortaan hoggaan ay ku qanacsan yihiin.
