Ciidamada dowlada iyo alshabab oo ku dagaalamey deegaano ka tirsan gobolka hiiraan

0
668

Dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa manta waxaa uu ka dhacay degaanka Xaawada Gadiid oo 30km u jira Magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan dhinaca degmada Aadan-yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa waxaa uu dhexmaray ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka degaanka iyo Al-Shabaab kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisinka Ciidamada ee degaanka Xaawa Gadiid.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii dhacay ay ku dileen Xubno badan oo katirsan Al-Shabaab.

Wararka la helay ayaa waxaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay gudaha u galeen degaanka cali Axmed oo ku yaalla xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.