Kadib markii saaka Magaalada Baydhabo uu ka bilaawday dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Ammaanka iyo kuwa siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), uu ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen inuu amar ku bixiyay weerar uu sheegay in lagu soo qaaday hoygiisa magaalada Baydhabo.
Wasiir hore Fargeeti oo Warbaahinta kula hadlayay Muqdisho wuxuu sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed cabdiasiis laftagareen muddo xileedkiisii Afarta sano ahaa uu dhammaaday, isla markaana wixii khasaaro ah ee ka dhasha dagaalka ka socda Magaalada Baydhabo uu isaga masuul ka yahay.
Wuxuu ku eedeeyay in Madaxweyne Cabdicasiis laftagareen uu cagajugleyn iyo xarig uu ku haayay Shacabka, balse markii uu natiijo ka keeni waayay uu ku bedelay gacan ka hadal taasina aan marnaba laga aqbaleyn.
Maxamed Ibraahim Fargeeti ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS inay soo fara galiyaan xaaladda Koonfur Galbeed, lana xisaabtamaan cid kaste oo iska lahayd masuuliyadda khasaaraha ka dhashay dagaalka saaakay ka dhacay magaalada Baydhabo.
