Gudoomiyaha baarlamaanka oo ka hadley dagaalka ka socda magalada baydhaba

0
370

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, oo qoraal kasoo saaray dagaalka maanta ka dhacay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in looga dan leeyahay in lagu fashiliyo shirka dib u heshiisiinta ee uu ku baaqay.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada mamaulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Badbaado ee musharaxiinta madaxweynaha maamulka, ayada oo warar ay sheegayaan in ciidanka Koonfur Galbeed ay weerareen guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Aadan Fargeeti oo ka mid ah musharaxiinta.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa war-saxaafadeedka uu saaray ku yiri “Waxaan aad ugu xumahay dhacdooyinka gacan ka hadalka ah ee maanta ka socda magaalada Baydhabo, xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaan u tacsiyeynayaa ehelada dadkii ku naf waayay, intii ku dhaawacantay na waxaan Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah.”

Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka ugu baaqay in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn u joojiyaan dhiillada colaadeed ee taagan loona turo shacabka tabaaleysan.