Weli waxaa Xaafado katirsan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwo katirsan kuwa Badbaadada Koonfur Galbeed, kuwaas oo taageersan musharixiinta diidan muddo kororsiga laftagareen.
Wararka qaar ee la helay ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay weerareen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed.
Wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay in la soo weeraray Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo ku guda jira Shaqooyinkooda caadiga ah.
Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa Maanta aad u kacsan, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka, iyada oo dagaalka uu saameyn ku yeeshay isku socodka magaalada.
