Hogaamiyihii maamulka koonfur galbeed ee waqtigiisa dhamaadey oo fariin u direy siyaasiyiinta mucaaradka

0
505

Hogaamiyaha maamulka Koofur Galbeed ee mudo xileedkiisa dhamaadey C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay dooda ka taagan sharci ahaanshaha mudo kordhinta halka sano ah ee loo sameeyay.

Lafta-gareen oo ka hadlayay munaasabad xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo oo loogu dabaal dagayay sanad guuradiisaa 4aad ee uu xilka hayo ayaa si cad u sheegau in arrinta mudo kordhinta ay tahay mid ay u sameeyeen baarlamaanka Koofur Galbeed.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku sii daray in cida kaliya ee awood u leh diidmada halka sano ee mudo xileedkiisa loogu daray ay yihiin isla baarlamaankii hore ugu ansixiyay arrintaas.

Lafta-gareen ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday siyaasiyiinta ku bahoobey bad-baadada Koofur Galbeed, isagoo kula taliyay iney u jiheystaan dagaalka Shabaab oo aan arrin kale laga yeeleynin.