Waxaa isbedel lagu sameeyay Ciidamada Itoobiya ee kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo ku sugnaa sanadihii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow.
Ciidamo farabadan oo kamid ah kuwa Itoobiya ayaa lagu warejiyay Garoonka Dooloow halka dalkooda dib loogu celiyay kuwii horay u joogay, waxaana munaasabadda lagu bedelayay Ciidamada ku sugnaa Taliyaha nabadsugida Gobolka Gedo dhawaan loo Magacaabay ee Janeraal Jamaal Xasan Sareey.
Taliyaha ayaa Ciidamada kaga mahad celiyey sida ay uga qeyb qaateen amniga Garoonka, isagoona kuwa cusub ku soo dhaweeyey Degmada sheegayna in si weyn ay uga qeyb qaataan Ammaanka guud ee Garoonka iyo Degmada intaba.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay wadashaqyen dhow wada yeelan doonaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Nabadsugida Gobolka Gedo si amniga guud ee Gobolka looga wada Shaqeeyo sidoo kalena loola dagaalamo Al-Shabaab.
