Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlayay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, ayaa markii u horeysay sheegay in ciidamada ay uga baxaan deegaanada qaarkooda qorshe uu ku dhisan yahay howl-galka socda.
Jeneraal Odowaa oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howl-galada xoreynta deegaanada ay iskugu jiraan laba nooc, kuwa ay sii joogaan ciidamada iyo kuwa kale oo ay burburiyaan markay qabsadaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen in ka badan 10 sano, kuwaasi oo hoosyimaada gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Dhowr jeer ayaa ciidamada huwanta si weyn loogu dhalleeceyay aagag ay dib uga soo baxeen, ayada oo saraakiisha ciidanku ay arrintaasi ku macneeyeen istiraatiijiyad ciidan.
Saraakiishaas ayaa sidoo kale hore u sheegay in xeelad dagaal dib uga gurtaan aagaga qaarkood, balse aysan jirin awood uga timid dhanka Al-Shabaab oo ciidanka ku qasabtay inay isaga baxaan deegaanadii ay joogeen.
