Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hadlay xiisada ka aloosan dhinaca koonfur galbeed iyo muddo xilleedka udhamaaday maamulkii halkaasi hogaaminayey.
Mursal oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in waxqabad muuqda uu qabtay Madaxweyne C/casiis Lafta gareen oo aan la dafiri karin balse uu ugu baaqayo inuusan horseed ka noqdo.
Waxa uu xildhibaan Maxamed Mursal sheegay in dadka reer koonfur galbeed ay wajaheen dhibaatooyin ay kala kulmeen Al Shabaab hadana aysan mudneyn in colaad kale loo horseedo.
Mursal ayaa ugu baaqay Madaxweyne Lafta gareen inuusan ku awood sheegan muddo kororsi iyo xukunka uu sii joogo,iyadoo waxa laga dhaxli karo ay tahay in dagaal iyo dhiig daato shacabka ah.
