Madaxweynaha maamulka hirshabeele oo booqdey deegaanada laga saarey alshabab

0
595

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa booqday degaannada Geyfo, Bakajeex, Qoordheere iyo Warciise oo dhowaan laga saaray Al-Shabaab.

Cali Guudlaawe ayaa kormeeray dhamaan degaannada laga saaray Shabaab, Isagoo halkaas kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo Qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidamada waxa uuuna kala hadlay muhiimada howlgalada socda.

Madaxweynaha ayaa la hadlay boqolaal ka tirsan ciidamada deegaanka ah oo usoo qalab qaatay ka qeybgalka howlgalada baahsan ee ka dhanka ah Shabaab, waxa uuna ku bogaadiyay yididiilada ka muuqata iyo sida ay uga go’an tahay inay Gobolkaan ka xureeyaan Al-Shabaab.